Dowladda Turkey ayaa saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak ku…

Dowladda Turkey ayaa saddex diyaaradood oo dagaal oo nooca qumaatiga u kaca ee T129 Atak ku wareejisey Dowladda Federaalka; ka dib wada-hadalkii taleefan ee todobaadkan dhexmaray Madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa Xasan Shiikh, sida lagu daabacay warbaahinta Turkiga.
Milatariga Turkiga ayaa dowladda federalka ah ee Soomaaliya u tababaray duuliyaad Soomaali ah iyo ciidamo dheeraad ah tan oo qayb ka ah heshiiska difaac ee labada dal — MEENews.
Dhanka kalena, xukuumadda Ankara waxaa kale oo ay diyaarado ‘Helicopters ah’ ku taageertey ciidamada Badda Soomaaliyeed, si ay wax uga taraan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.
Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkiii ugu horeeyay ee Afrika ee loo soo diro diyaaradaha T129 Atak ee dalka Turkey, iyada oo ay dhawaan iibsadeen diyaaradahan; Qadar, Pakistan, Philippines iyo Sucuudi Careebiya.



