Dowladda Boqortooyada Midowday (UK) ayaa walaac ka muujisay dagaallada dib uga soo cusboonaaday magaalada Baydhabo iyo…

Dowladda Boqortooyada Midowday (UK) ayaa walaac ka muujisay dagaallada dib uga soo cusboonaaday magaalada Baydhabo iyo saameynta ay ku yeelanayaan shacabka, iyadoo safaaradda UK ee Muqdisho ayaa sheegtay in rabshadaha cusub ay khatar ku yihiin dadka rayidka ah, iyadoo ku baaqday in xaaladda si degdeg ah loo dejiyo.
Safaaradda UK ayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda ugu baaqday inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabooyin sii kordhin kara colaadda, waxayna ku boorrisay dhinacyada inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, halkii ay adeegsan lahaayeen awood militari.
Baaqan ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda amni ee Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ay walaac ka abuurtay saameynta ay rabshaduhu ku yeelan karaan shacabka iyo xaaladda bini’aadantinimo., iyadoo sheegtay in rabshado dheeraad ah ay kasii dari karaan xaalad bini’aadantinimo oo horey u ahayd mid jilicsan.
Dowladda UK ayaa sidoo kale xustay in bulshada Koonfur Galbeed ay toddobaadyada soo socda wajihi karaan saameyn la xiriirta El Niño, taas oo sii kordhin karta baahiyaha bani’aadantinimo. Sidaas darteed, UK waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan dejinta xiisadda iyo in dhinacyadu wada-hadal ku raadiyaan xal.





