Dowladda Yemen ee ay taageerto Sacuudiga oo uu caalamku aqoonsan yahay, ayaa Sabtidii sheegtay inay dib ula wareegtay gacan ku haynta magaalada dekedda leh ee Mukalla, caasimadda gobolka Hadramout.

Magaalada ayey gacanta ku hayeen xoogaga gooni-u-goosadka koonfureed oo ay taageerto Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo dhulkaasi qabsaday bishii hore.
Guulaha degdega ah ee dowladda gaartay tan iyo Jimcihii ayaa dib u dhigay guulihii Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta (STC) oo bishii hore dhulkaasi la wareegay iyagoo sheegay inay qabanayaan afti ku saabsan madaxbannaanida Koonfurta Yemen muddo laba sano gudahood ah.
Ciidamada ay taageerto Sacuudiga ayaa horey ula wareegay goobo muhiim ah oo ku yaal gobalka Hadramout, oo ah gobol weyn oo xuduudda laleh dalka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa todobaadkii hore duqeeyey dekadda Mukallah, halkaasi oo ay sheegeen in ay Maraakiib laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay gaadiid iyo hub u geeyeen kooxda STC.

Ciidamada STC waxay xireen waddooyinka taga Cadan iyo gobollada waqooyi, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Kooxdu waxay ka codsatay hoggaamiyeyaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay soo farageliyaan waxa ay ku tilmaameen “weerarka militariga Sacuudiga”.
War-saxaafadeed ay soo saartay kooxda STC, waxay ku dartay in kooxaha Islaamiyiinta waqooyiga – gaar ahaan xisbiga Islaax oo qayb ka ah dowladda caalamku aqoonsan yahay – ay bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah iyo kaabayaasha muhiimka ah.

STC waxay sannado badan qayb ka ahayd dowladda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee maamusha koonfurta iyo bariga Yemen waxaana taageeraya dowladaha Khaliijka oo ka soo horjeeda Xuutiyiinta.

Hogaamiyaha dowlada Yemen, madaxa Golaha Madaxweynaha Rashad al-Alimi, ayaa sheegay inuu ka codsaday Sacuudi Carabiya inay martigeliso gole lagu xallinayo arrinta koonfureed, isagoo intaa ku daray inuu rajeynayo in tani ay isu keeni doonto dhammaan kooxaha koonfureed.
Garoonka diyaaradaha ee Aden, oo ah xarunta ugu weyn ee gaadiidka ee meelaha ka baxsan gacanta Xuutiyiinta, ayaa la xiray tan iyo Khamiistii kadib markii muran ka dhashay xayiraado cusub oo ay ku dhawaaqday dowladda caalamiga ah ee la aqoonsan yahay oo xayiraad kusoo rogtay duulimaadyada ka imaanaya Imaaraadka Carabta.



