DP World oo ku dhawaaqday in go’aankii DFS uusan qusayn shaqooyinkeeda.

13 January, 2026

Shirkadda ganacsiga DP World ee gacanta ku haysa dekedaha Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso ayaa si cad…

Shirkadda ganacsiga DP World ee gacanta ku haysa dekedaha Magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso ayaa si cad u diiday go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee lagu buriyey heshiisyadii horay u dhexay Maray Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirkadda DP World oo lala wadaagey wakaaladda Wararka ee Reuters ayay kaga hortimid go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku tilmaantay mid aan khusayn.

Shirkaddu waxay intaas ku dartay in arrimaha la xiriira go’aannada siyaasadeed, wada-hadallada dowladaha ama mowqifyada diblomaasiyadeed loo daayo hay’adaha ku shaqada leh aysanna qusayn arrimaha ganacsiga.

“DP World waxay weli diiradda saareysaa hawlgalka amniga iyo hufnaanta leh ee dekedda iyo sidii loo gaarsiin lahaa fududeynta ganacsiga iyo faa’iidooyinka dhaqaale ee Somaliland iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan, go’aannada siyaasadeed, wadahadallada dowladdaha dhexdooda, ama mowqifyada diblomaasiyadeed waa in loo daayaa hay’adaha ay qusayso”, Ayaa lagu yiri bayaanka DP World.

Imaaraadka Carabta oo xiriir wanaagsan laleh qaar kamid ah maamulada dalka ayaa adduun lacageed oo dhan $442 ay shirkadda saadka ee fadhigeedu yahay Dubai ee DP World gelisey horumarinta, ballaarinta iyo maamulka dekedda Berbera.