Dr. Aadan oo loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka W Bari.

23 August, 2025

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa maanta ku guuleystay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi-bari kadib markii uu…

Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan ayaa maanta ku guuleystay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi-bari kadib markii uu helay 53 cod halka musharaxii la tartamayay Cabdiqafaar Dheeliye uu helay 29 cod. Guushan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa taageerada ballaaran ee Dr. Aadan uu ka heystay xildhibaanada.

Doorashadan ayaa ka dhacday magaalada Laascaanood iyadoo labada musharax ay tartan adag galeen. Xildhibaanada ayaa si xor ah u dhiibtay codadkooda waxaana natiijada ka dhigtay mid cad oo ku soo baxay Dr. Aadan.

Guddoomiyaha cusub ayaa la sheegayaa inuu taageero siyaasadeed ka helay dowladda federaalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh ayaa horey u soo jeediyey xildhibaanada in ay kursigan loo xiro beel gaar ah taas oo ahayd beesha uu ka soo jeedo gudoomiyaha.

Waxaa weli socda doorashada gudoomiye ku xigeenada oo laba kursi ah kan koowaad oo laba musharax ku tartamayaa halka kursiga ku xigeenka labaad uu isku soo taagay hal musharax oo aysan jirin cid la tartamaysa balse codka kalsoonida loo weydiin doono xildhibaanada si gacan taag ah.