Hogaamiyihii hore ayaa lagu eedeeyay ‘khiyaano qaran, dambiyo dagaal, [iyo] dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada’ isaga oo taageeraya fallaagada M23 ee bariga dalkaas.

Aqalka Senate-ka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in xasaanadda laga qaado madaxweynihii hore ee dalka Joseph Kabila.
Codeyn qarsoodi ah oo dhacday habeenimadii Khamiista, baarlamaanka ayaa 88-5 cod ugu codeeyay si uu Kabila dacwad loogu soo ooggo. Madaxii hore ee dalkaas ayaa lagu eedeeyay inuu galay qiyaano qaran, kaddib markii lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa kooxda hubeysan ee M23, kuwaasoo la wareegay deegaanno badan oo ku yaalla bariga DRC, iyadoo taageero ka heleya Rwanda.
Maamulka ayaa sheegay horaantii bishaan in Kinshasa ay aruurisay cadeymo cad oo isaga ku lug leh “khiyaano qaran, dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada iyo ka qayb qaadashada dhaqdhaqaaq kacdoon”.
Horaantii bishaan, xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Congo ayaa dalbaday in xasaanadda laga qaado Madaxweynihii hore.
Kabila, oo diiday inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxda fallaagada, ayaa xilka ka dagay 2018 kadib ku dhawaad 20 sano oo uu xukunka hayay, isagoo u hogaansamay mudaaharaadyada shacabka.
Madaxweynihii hore ayaa tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2023 ku sugnaa meel ka baxsan dalka, isagoo inta badan ku sugnaa dalka Koonfur Afrika.
Kabila waxa uu ku hanjabay inuu dalka dib ugu soo laaban doono, si ay dalka uga caawiyaan xalinta dagaalada ka socda deegaanada bariga.
Ku soo laabashada Kabila ee dalka ayaa adkeyn karta dadaalka lagu soo afjarayo kacdoonka. Wararka sheegaya in bishii April uu ku sugnaa bariga ayaan la xaqiijin.
In kasta oo ciidamada DRC iyo M23 ay ku heshiiyeen in ay ka shaqeeyaan xabbad joojin horraantii bishan, dagaalku waxa uu weli ka socdaa gobolka bari ee Koonfurta Kivu.