Heshiiskan ku meel gaarka ah ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka bariga DRC ayaa la filayaa in si rasmi ah loo saxiixo 27ka Juun.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda ayaa gaaray heshiis ku meel gaar ah oo looga golleeyahay in lagu joojiyo colaadda bariga DRC, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay labada dal iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Heshiiska qabyada ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah loogu saxiixo 27-ka Juun dalka Qatar.
Angola ayaa bishii March ka degtay doorkeedii dhexdhexaadineed, iyadoo Mareykanka iyo Qatar ay hadda hormuud u yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda bariga DRC.
Heshiiska qabyada ah ayaa ka kooban qodobo ay ka mid yihiin hub ka dhigista, isku dhafka kooxaha hubeysan ee aan dawliga ahayn iyo soo celinta qaxootiga iyo barakacayaasha.
Bariga DRC ayaa waxaa hareeyay iskahorimaadyo tobanaan sano ah, iyadoo kooxaha hubeysan ay ku tartamayaan helista kheyraadka dabiiciga ah.
Dagaalka gobolka ayaa sii kordhay bishii Janaayo markii jabhadda M23 ee Rwanda ay taageerto ay qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu qanisan macdanta. Dhowr toddobaad ka dib, kooxdu waxay qabsatay magaalada istiraatiijiga ah ee Bukavu. Rwanda ayaa beenisay inay taageerto fallaagada.
Kumanaan kun oo qof ayaa lagu dilay gobolka iyadoo boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen tan iyo markii ay colaaddu sii xoogeysatay horaantii sanadkan.
Dhowr ka mid ah dhinacyada isku haya ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.