Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa laba jibbaarey hawlgallada ay ku baadi goobayaan firxadka malayshiyaadka Daacish ee…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa laba jibbaarey hawlgallada ay ku baadi goobayaan firxadka malayshiyaadka Daacish ee ka cararay dagaaladii ka dhacay Turmasaale ilaa Dhasaan oo togga Jacayl ku teedsan.
Hawlgalladii ugu dambeeyey ayaa ciidamadu waxa ay ka sameeyeen deegaanada Moqor, togga Ina Ciddoole, labada tog Geel lagu Qal iyo togga Afka Dibi-Ganuun oo ay ku yaalleen dugsi tababarka iyo Saldhigyo oo muhiim ah.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka aya soo bandhigay xaruntii ugu weyneyd ee tababarada Daacishta Somalia, oo horay looga soo qaadi jirey sawirro muujinaya horjoogayaal loogu tababarayo dhagarta cadawga.
Wararkii ugu dambeeyey ee Cal-miskaad ay ka heshay Horseed Media ayaa sheegaya in hadda Daacish ay isku urursatay aagag kooban oo ay ku dhuumaalaysanayaan iyadoo ciidamadu aysan hawlgallada joojin bisha Barakaysan ee Ramadaan.