Duqa Boosaaso oo la kulmay qaar kamid ah ganacsatada Magaalada.

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, oo uu weheliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Maxamuud…

14 July, 2026

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, oo uu weheliyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso, Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Kawte), ayaa maanta kormeer ku tegay Suuqa Weyn ee magaalada Boosaaso, kaddib maalmo ay qaybo ka mid ah suuqu xirnaayeen. Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in si dhow loogu kuurgalo xaaladda suuqa iyo dib u soo kabashada dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Masuuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee suuqlayda, iyagoo si toos ah uga dhagaystay aragtidooda, talooyinkooda iyo cabashooyinka ay qabaan. Sidoo kale waxay qiimeeyeen xaaladda guud ee ganacsiga iyo baahiyaha jira, si Dowladda Hoose ay uga jawaabto caqabadaha hortaagan ganacsatada.

Guddoomiyaha Degmada Boosaaso ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta danaha ganacsatada iyo xaqiijinta jawi amni, xasillooni iyo kalsooni leh oo horseeda koboca ganacsiga. Wuxuu xusay in caqabad kasta oo jirta lagu xallin doono wada-tashi iyo iskaashi dhex mara Dowladda iyo ganacsatada, si loo ilaaliyo danta guud iyo horumarka magaalada.

Kormeerka ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay xirnaayeen inta badan xarumaha Ganacsiga Magaalada Boosaaso, kadib khidmado dowladdu ku soo rogtey badeecooyinka ka soo degaya dekedda Magaalada.