Zohran Mamdani ayaa ku guuleystay doorashadii duqa magaalada New York, kadib markii uu ka adkaaday Andrew…

Zohran Mamdani ayaa ku guuleystay doorashadii duqa magaalada New York, kadib markii uu ka adkaaday Andrew Cuomo oo madax-bannaan, sida lagu shaaciyey natiijooyinka hor-dhaca ah ee doorashooyinka Maraykanka.
Zohran Mamdani oo 34 jir ah, xildhibaan ka tirsan xaafada Queens, ayaa loo doortay Duqa 111aad ee Magaalada New York, isagoo noqday duqii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo kii ugu horreeyay ee asal ahaan ka soo jeeda Koonfur Aasiya ah ee hogaamiya magaalada, ahna duqii ugu da’da yaraa.
“Waxaan ahay nin dhallinyaro ah oo Muslim ah,Donald Trump, waan ogahay inaad daawanayso,kuwa badan ayaa doonaya inaan hoos u hadlo waxaan kuu hayaa afar eray, kor u qaad codkaaaga”, Ayuu yiri Zohran Mamdani duqa cusub ee magaalada magaalada New York.



