Duqa Cusub Gaalkacyo oo Xilka la wareegay.

Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay…

16 September, 2025

Duqa cusub ee Degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay munaasabad ka dhacday xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo.

Munaasabadda xilalka kula kala wareegayeen Duqii hore ee degmada Maxamed Cabdirisaaq Dacad iyo Duqa cusub waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdiraxmaan Khaliif Faarax.

Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Gobolka Mudug Faysal Sheikh Cali, ku xigeenkiisa Maxamed Waloore, xubno ka tirsan golaha deegaanka, iyo saraakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Masuuliyiinta goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay Duqa cusub inuu bulshada ugu adeego si daacadnimo iyo hufnaan ah isla markaana mudnaanta siiyo arrimaha bulshada ee muhiimka ah gaar ahaan adeegyada dowliga ah ee ay magaalada u baahan tahay.

Ugu dambayn masuuliyiinta iyo martida ayaa kormeer ku sameeyay xafiisyada dowladda hoose ee Gaalkacyo halkaas oo ay ku hubiyeen shaqooyinka ka socda iyo adeegyada la xiriira maamulka magaalada.