Maamulka degmada Garoowe ayaa habeenimadii xalay Magaalada Garoowe ku soo afmeeray kulanka wadatashiga Dadwaynaha Garoowe ee…

Maamulka degmada Garoowe ayaa habeenimadii xalay Magaalada Garoowe ku soo afmeeray kulanka wadatashiga Dadwaynaha Garoowe ee Ballaarinta Korontada Magaalada caasimadda ah.
Duqa degmada Garoowe Geeddi Axmed Tuurre, oo ka hadlayey xiritaanka kulankaan ayaa ku dheeraaday mashruucaan oo ay ku baxayso lacag ka badan $20 million oo dollar iyo caqabadihii laga soo maray hirgelintiisa.
Maayarka ayaa sheegay in mashruucaan ay sanado badan ku dheganaayeen madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia, isagoo xusay inay muujiyeen tanaasul dheeraad ah waqti baddanna u fadhiyeen Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
“Mashruucaan waqti dheer ayey dowladda dhexe ku dheganayd Alle ayaana nooga soo furfuray, muddo ayaan u joogney shirar kala duwan dowladda Puntland oo madaxweynuhu ugu horreeyana waa uga mahadcelinayaa inuu aqbalay iyadoo mashaariic badan taagan yihiin”, Ayuu yiri Maayar Geeddi.




