Duqa degmada Garoowe oo kala diray guddigii xallinta khilaafaadka dhulka.

10 December, 2025

Duqa degmada ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) ayaa guud ahaanba kala…

Duqa degmada ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) ayaa guud ahaanba kala diray guddigii xallinta khilaafaadka dhulka ee dowladda hoose.

Wareegto ka soo baxday xafiiska duqa degmada Garoowe ayaa lagu sheegay in lakala diray guddiga xallinta khilaafaadka dhulka dowladda hoose ee Garoowe, kaddib tixgelinta cabashooyin ka yimid bulshada kala duwan ee caasimadda Puntland.

Go’aankaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ka mamnoocay maxkamadaha inay galaan kiisaska dhulka, kadib musuqmaasuq iyo cabasho ay katirsadeen muwaadiniin kala duwan.

Garoowe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu badan ee ay ka dhacaan kiisaska la xiriira isku qabqabsiga dhulka guud ahaan Soomaaliya, waxaana middaasi loo sababeeyaa sarraynta qiimaha dhulka.