Duqa Degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Cabdulqaadir Isaaq Mursal oo ah…

Duqa Degmada Gaalkacyo Xuseen Cabdinuur Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Cabdulqaadir Isaaq Mursal oo ah aabaha dhalay gabadha yar ee Salmo taas oo xaalad caafimaad la tacaalaysay muuqaaladeeduna ay si weyn u faafeen baraha bulshada.
Cabdulqaadir ayaa muddo dheer ku dedaalayey sidii gabadhiisa uga soo kabsan lahayd xanuunka ka joojiyey istaaga iyo socodka, isagoo maalin walba u sameeya jimicsiyo uu isagu farsameeyey qalab gacan ku samays ah.
Duqa Gaalkacyo ayaa aabaha gabadha guddoonsiiyey shahaado sharaf isagoo ku amaanay naf-hurnimada iyo dadaalka joogtada ah ee uu u galay caafimaadka gabadhiisa. Waxa uu ballanqaaday in dawladda hoose ay ka taageeri doonto dhinacyada caafimaadka iyo nolosha.
Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Xaafadda Israac Xildhibaan Burhaan Faantuule iyo xubno kale oo ka tirsan golaha deegaanka kuwaas oo dhammaantood ku bogaadiyey aabaha dadaalkiisa ku dayashada mudan.



