Duqa Galkacyo oo weeraray xiriirka kubadda cagta ee PUNTLAND.

19 May, 2026

Xafiiska Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa siweyn u cambaareeyey walaaca uu ka muujiyey tartanka Kubadda Cagta ee…

Xafiiska Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa siweyn u cambaareeyey walaaca uu ka muujiyey tartanka Kubadda Cagta ee Puntland, gaar ahaan tacaddiyada garsoor iyo go’aannada kulankii Galkacyo iyo Boosaaso.

Maamulka degmada Galkacyo ayaa sheegay in kooxda degmadaasi loo diidey rigoorayaal ay xaq u lahayd muddadii uu tartanku socdey, una baahan in dib loo fiiriyo.

AKHRISO.

Kiisaska ugu waaweyn waxaa kamid ah kulankii dhacay 15-ka May ee dhexmaray Gaalkacyo iyo Dhahar, halkaas oo xulka Gaalkacyo laga diiday gool sax ah oo sharci ahaa.

Arrintaasi waxaa xitaa caddeeyay garsoore caalami ah oo lagu magacaabo Omar Cartan, kaas oo sheegay in goolkaasi uu ahaa gool sax ah oo aan sabab loo haysan diidistiisa.

Xafiiska Duqa Degmada Gaalkacyo wuxuu aaminsan yahay in dhacdooyinkan ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo sumcadda tartanka guud ahaan. Waxaa murugo iyo calaamado muujinaya in kooxdan si gaar ah loogu jiheeyay magaalada Boosaaso maadaama ay tahay magaalada martigelisay tartanka.

Sidoo kale waxaan digniin u direynaa xulalka weli ku haray tartanka, gaar ahaan Xulka Garoowe, Xulka Qardho, Xulka Dhahar

In ay feejignaadaan oo ay si dhow ula socdaan qaabka garsoorka iyo maamulka tartanka, si aan loogu dhicin cadaalad darro la mid ah tii lagu sameeyay xulka Gaalkacyo.

Ugu dambeyn, Xafiiska Duqa Degmada Gaalkacyo wuxuu ugu baaqayaa xiriirka Kubadda Cagta Puntland in ay dib u eegis degdeg ah ku sameeyaan cabashooyinka isa soo taraya, isla markaana la ilaaliyo hufnaanta, cadaaladda iyo sumcadda ciyaaraha Puntland.