Duqa Galkacyo,”Nabadda Gobolka Mudug waxay kujirtaa qisaasta oo la fuliyo”.

27 June, 2025

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Galkacyo ee Puntland Maxamed Cabdirisaaq ayaa ugu baaqay nabaddooda iyo…

Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Galkacyo ee Puntland Maxamed Cabdirisaaq ayaa ugu baaqay nabaddooda iyo isimada gobolka Mudug inay gacan ka geystaan nabad-gelyada gobolka Mudug.

Guddoomiye Maxamed Cabdirisaaq ayaa ugu yeeray dhaqanka iyo bulshada gobolka Mudug in la hirgeliyo fulinta xukumada qisaasta si ay u kala nabadgalaan bulshooyinka gobolka Mudug.

“Maanta Galkacyo horumarka ay ubaahan tahay waxaa asal u ah in qofkii qof dila loo dilo oo shareecada islaamka la waafajiyo, arrintaas nala hirgeliya”, Ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.