Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay awaamiir lagu yaraynayo goobaha ay dadweynuhu ku…

Maamulka degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku dhawaaqay awaamiir lagu yaraynayo goobaha ay dadweynuhu ku caweeyaan gaar ahaan kuwa lagu tumo heesaha loo yaqaan qaaciga (Kabanka) oo sanadihii dambe siweyn ugu soo badanayey qaybo kamid ah dhulka Soomaalida.
Guddoomiyaha golaha deegaanka ahna duqa degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuurre, oo ka hadlayey daahfurka goob caways ayaa sheegay in Garoowe ay tahay magaalo culimo ayna muddooyinkii dambe siweyn ugu soo bateen goobaha lagu tumo heesaha qaaciga, wuxuuna mulkiilayaasha ugu baaqay inay goobaha noocaas ah ka yareeyaan Magaalada.
“Garoowe waa magaalo dhaqan, waa magaalo culimo waxaan rajaynaynaa meelkasta oo meherad ah in diinta Islaamku aasaas u noqoto, ogow reerkii fusuq lagu dhiso sii jiri maayo meheraduhuna waa noocaas oo kale, waxaan rajaynayaa meelaha qaaciga in magaalada laga ilaaliyo si ganacsigu uusan idiinka kicin sababtoo ah inaad baraartaan ayaan rabnaa ee ma rabno inaad kacdaan”, Ayuu yiri Maayar Geeddi.




