Duqa Garoowe oo loo doortay guddoomiyaha ururka dowladaha hoose ee Puntand.

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maalintii 2aad ka qabsoomay shirweynaha ururka ay ku midaysan yihiin…

10 September, 2025

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maalintii 2aad ka qabsoomay shirweynaha ururka ay ku midaysan yihiin dowladaha hoose ee Puntland, oo uu maalinimadii shalay daahfuray ku-ximaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebiley).

Kulanka maanta aya markale guddoomiyaha ururka loogu doortay duqa degmada Garoowe Geeddi Axmed Tuurre oo maalmihii dambe halgan ugu jirey in meesha laga saaro loolanka kaga imaanaya xubno uu kamid yahay duqa degmada Boosaaso Cabdiraxmaan Jinac.

Qaar kamid ah maamulada degmooyinka ayaa doonayey in Garoowe laga wareejiyey hoggaanka ururka haseyeeshee amar kayimid madaxtooyada Puntland ayaa sababay in markale Geedi lagu celiyo kursigaan.