Hogaamiyaha xisbiga CHP ee Turkiga ayaa sheegay in Erdogan uu ka cabsi qabo in tartan uu kala kulmo Ekrem Imamoglu oo la xiray.

Xarigan ayaa dhaliyay mudaaharaadyo dalka oo dhan ah, iyadoo hogaamiyaha Jarmalka uu ku tilmaamay xarigan mid sii xumeenaya xiriirka Turkiga ee Midowga Yurub.
Kumanaan kun oo qof oo ku nool dalka Turkiga ayaa Khamiistii isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan xarigga loo geystay duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu.
Kahortagga imamoglu inuu u tartamo madaxweynaha Turkiga waxay kaliya xoojinaysaa taageerada mucaaradka, ayuu riri Ozgur Ozel oo ka socda xisbiga Jamhuuriga (CHP) oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga.
Ozel waxa uu sheegay in Imamoglu xabsiga loo taxaabay sababtoo ah waxa uu khatar ku ahaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo in ka badan labaatan sano oo uu xukunka hayay.

Imamoglu ayaa lagu tiriyaa in uu yahay ninka ay sida weyn ula loolamaya Erdogan. Waxaa la filayey inuu ku dhawaaqo inuu doonayo inuu u tartamo doorashada madaxweynaha.
Duqa magaalada ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq, iskaashiga jabhada kurdida ee PKK.
Imamoglu ayaa la xiray Arbacadii sababo la xiriira eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo gacansiinta koox argagixiso, iyadoo mucaaradka ay tallaabadaas ku tilmaameen “isku day afgambi”. Xariga ayaa dhaliyay mudaaharaadyo dalka oo dhan ka dhacay inkastoo afar maalmood laga mamnuucay bannaanbaxyada magaalada.
Dadka dhaliila ayaa u arka in caburinta lagu hayo codadka mucaaradka ay tahay isku day uu Erdogan ku doonayo inuu ku adkeeyo xukunkiisa.
Erdogan ayaa Khamiistii dhaleeceynta mucaaradka ku tilmaamay “majaajillo” iyo ” halku-dhigyo” iyo waqti lumis dalka.
Saraakiisha dowladda Turkiga ayaa ku gacan seyray sheegashada xarigga in uu yahay mid siyaasadeysan.