Duqaymaha ay iswaydaarsanayaan quwadaha ku diriraya Bariga dhexe oo sii socda.

2 March, 2026

Dagaalka u dhexeeya dalalka Maraykanka, Israel iyo Iran ayaa maalintii 3aad oo xiriir ah ka socda…

Dagaalka u dhexeeya dalalka Maraykanka, Israel iyo Iran ayaa maalintii 3aad oo xiriir ah ka socda Bariga dhexe, xilli ay duqaymaha labada dhinac gaareen goobo ganacsi iyo xarumaha dadweynaha ee dalalka Khaliijka Carabta.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka iyo Israel ayaa beegsaday saldhigyo milatari iyo qaar kamid ah wershedaha shidaalka sifeeya ee Iran, xilli gantaalo culus ku hoobteen magaalooyinka Qubrus, Tela Aviv iyo goobo kale oo katirsan Israel.

Dhanka kalena, Gantaalaha Iran ayaa haleelay mid kamid ah wershedaha shidaalka dhoofiya ee ugu waaweyn dalka Sucuudiga, talisyadii Milatariga Maraykanka ee Bahrain, goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta iyo Maraakiib ay leedahay dowladda Maraykanku.

Iran waxay guud ahaanba meesha ka saartay wada-xaajood ay la furto Maraykanka kadib markii Madaxweyne Trump sheegay in Tehran ay diyaar u tahay miiska wada-xaajoodka.