Dagaalka u dhexeeya Dalalka Maraykanka, Israel iyo Iran ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo dhammaan dhinacyadu wadaan…

Dagaalka u dhexeeya Dalalka Maraykanka, Israel iyo Iran ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo dhammaan dhinacyadu wadaan duqeymo cirka ah oo ballaaran iyo weerarro isdaba joog ah oo ka socda meelo kala labada dal iyo kuw Khaliijka.
Madaxweynaha dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hawlgallada dagaal ee ka dhanka ah Iran ay sii socon doonaan ilaa laga gaaro dhammaan yoolalka milatari ee la dejiyay.
Jamhuuriyadda Iran ayaa kordhisay duqeymaha ay ku beegsaneyso saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe, halka dhaqdhaqaaqa Hezbollah uu ku biiray dagaalka, iyagoo gantaallo ku garaacay gudaha Israel.
Dhanka kalena, maamulka Yuhuudda ayaa ka jawaabey weerarada Tel Aviv, iyadoo ciidamada Israel ay duqeymo culus ka geysteen koonfurta Beirut, halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxda.



