“Duqaymaha USA & UK ee Yemen waxaa looga hortegayaa difaaca Falastiin”, Xisbullah.

17 March, 2025

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Lubnaan ee Xisbullah ayaa si adag u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyey ee…

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Lubnaan ee Xisbullah ayaa si adag u cambaareeyay weeraradii ugu dambeeyey ee Mareykanka iyo Britain ku qaadeen Yemen, kuna tilmaamay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Waxaana Xisbullah tallaabadaan ku tilmaantay isku day quus ah oo looga hortagayo dadka Yemen ee ku dhiirianaya garab siinta walaalohooda Falastiin oo Yuhuuddu duqaynayso muddo ku siman sanad iyo 6 bilood.

Ururka Xisbullah ayaa warkaan shaaciyey waxyar kadib markii ay Maraykanka iyo Britain duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen dhowr goobood oo ku yaalla caasimadda Yemen ee Sanca iyo meelo kale oo ka tirsan waddanka Carabta, halkaas oo ay ku dhinteen tobanaan qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

“Gardaradani waxay ku soo beegantay isku day quus ah oo lagu doonayo in lagaga hortago qarankan kibirka leh inay sii wadaan taageerada geesinimada leh ee ay u fidiyaan dadka reer Falastiin iyo inay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan inay ka qaadaan go’doominta xaqdarada ah ee Gaza si ay ugu ogolaato gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo iyo gargaarka,” Ayaa lagu yiri bayaanka Xisbullah.