Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka oo hawlgallada cirka ka taageera ciidanka difaaca Puntland ayaa duqaymo culus ka…

Diyaaradaha dagaalka dowladda Maraykanka oo hawlgallada cirka ka taageera ciidanka difaaca Puntland ayaa duqaymo culus ka fuliyey deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Duqaymihii ugu dambeeyey oo lala beegsaday firxadkii Daacish ee ceelka Miiraale ayaa ka dhacay dhanka Koonfureed ee ceelkaasi, waxaana la xaqiijiyey in lagu laayey malayshiyaad doonayey inay ka baxsadaan aaggaasi.
Qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in saaxiibada Puntland gaar ahaan Maraykanku uu hawlgalkaan qorshaysan la beegsaday haraadiga Daacishtii laga saaray ceelka Miiraale.
“Qaar ka mid ah firxadkii Argagixisada ee ka cararay Togga Miiraale, waxaa duqeeyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka, waxaa la beegsaday iyagoo cararaya meel koonfurta uga beegan Miiraale”, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac.



