Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo habeenimadii xalay ka dhacay deegaamo hoosyimaada degmada Xaradheere…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqaymo habeenimadii xalay ka dhacay deegaamo hoosyimaada degmada Xaradheere ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaasi oo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen xubno katirsan Alshabaab.
Goobjoogayaal ku sugan gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay in duqaymuhu ka dheceen deegaamada Faarax Aadan, Carfuuda Tabar-mooge iyo Miiron oo dhammaan lagu beegsaday rag katirsan Alshabaab.
Saraakil dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa Alshabaab laguna burburiyey gaadiid ay ku diyaarinayeen walxaha qarxa.
Majiraan ilaa hadda warar madax-banaan oo si rasmi ah u qeexaya khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqaymahaan oo ay fuliyeen saaxiibada Soomaaliya ka taageera la dagaalanka kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab.



