Duqeymaha militariga Israa’iil ayaa ugu yaraan 14 Falastiiniyiin ah ku dilay Marinka Gaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay, wasaaradda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegtay Axaddii.

Duqaymaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhexdhexaadiyeyaal Carbeed iyo Mareykan ah ay ka shaqeynayaan sidii xabad joojin u dhex dhigi lahaayeen Israa’iil iyo Xamaas.
Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tobanaan qof ay ku dhinteen duqaymaha Israa’iil inkastoo xabbad joojintii Janaayo 19-keedii ay joojisay dagaalladii ballaarnaa ee Qaza.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadoodu ay soo farageliyeen si ay uga hortagaan hanjabaadaha Xamaas ee ku soo wajahan ciidamadooda ama bambaanooyinka dhigaya tan iyo markii ay dhaqangashay xabbad joojinta.
Dhakhaatiirta caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in dhimashadii ugu dambeysay ee dhacday Sabtidii ay dishay sagaal falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan afar wariye oo ku sugnaa magaalada Beit Lahiya ee waqooyiga Marinka Gaza.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in lix nin oo ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin garabyada hubaysan ee Xamaas iyo kooxda isbahaysiga ee Islamic Jihad lagu dilay weerarka.
Horseed Media