Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaanno…

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Warsheekh, kuwaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqeyntan ayaa timid kaddib dhaqdhaqaaqyo amni oo maalmihii u dambeeyay ka jiray tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi.
Duqeynta oo ahayd mid si bartilmaameed ah loo fuliyay ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo ay ilo wareedyo xaqiijiyeen in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku uruureen, iyagoo difaacyo iyo godad waaweyn ka qotay aaggaasi. Kahor duqeynta, waxaa halkaas ka dhacay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegay in dagaalka ka dib ay duqeynta ku biireen diyaaradaha dowladaha taageera DFS, kuwaas oo beegsaday saldhigyo iyo goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen. Wararku waxay intaas ku darayaan in haatan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay hareereeyeen Jabad-Godane, isla markaana ay qorsheynayaan inay gudaha u galaan si ay halkaasi uga saaraan kooxda hubeysan.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka iyo duqeymaha xigay, iyadoo xaaladda amni ee deegaanku ay weli tahay mid kacsan. Guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe iyo deegaannada Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, xilli kooxdaasi ay dib ula wareegtay qaar ka mid ah deegaanadii horay looga saaray, taasoo sii xoojisay walaaca amni ee gobolka.




