Duqeymo madaafiic oo isdaba-joog ah ayey saaka Israa’iil ka fulisay duleedka magaalada Mayfadoun, oo ku dhow Zawtar al-Sharqiyah, ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan (NNA).

Wakaaladdu ma aysan soo sheegin khasaaraha ka dhashay duqeymaha ama in ay jiraan dad ku waxyeelloobay.
NNA ayaa sidoo kale horay u sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay xalay duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyeen magaalada al-Mansouri ee koonfurta Lubnaan.
Duqeymahan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo kooxaha hubeysan ee ka howlgala koonfurta Lubnaan ay weli tahay mid kacsan.
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan oo ballanqaaday in Israa’iil laga saarayo dhulkooda

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam, ayaa sheegay in dowladdiisu ay “dadaal kasta gelin doonto sidii loo xaqiijin lahaa in Israa’iil si buuxda uga baxdo dhulka Lubnaan, maxaabiisteennana loogu soo celiyo magaalooyinkooda iyo tuulooyinkooda”.
Salam ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Tyre, halkaas oo uu kula hadlay askarta Lubnaan ee halkaas la geeyay, kaddib markii ciidamada Israa’iil ay ka baxeen magaalada ku taalla koonfurta dalka, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ee dowladdu maamusho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ciidamada kula hadlay xerada Benoit Barakat, wuxuuna u xaqiijiyay in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay u heli lahayd taageero caalami ah oo lagu xaqiijinayo badqabkooda, xilli uu dalka wajahayo waxa uu ku tilmaamay “gardarrada Israa’iil”.
Wasiirka Gaashaandhigga, Michel Mansour, oo isaguna hadal ka jeediyay magaalada Tyre, ayaa sheegay in ciidamada Lubnaan aysan nasan doonin illaa ay dib u soo celiyaan “madax-bannaanida dowladda iyo taako kasta oo ka mid ah dhulkeenna”.
Ciidamada Lubnaan iyo hay’adaha kale ee ammaanka ayaa sidoo kale ka shaqeynaya miino-bixinta goobihii hore loo haystay, iyagoo taageero siinaya dadka barakacay ee dib ugu laabanaya guryahooda.




