Duqeyn lala beegsaday horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab

8 March, 2025

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa guul muhiim ah ka gaaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay deegaanka Ceel-bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

MQ-1C

Howlgalkan oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo halkaas ku abaabulayay falal lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo howlgalkan ayaa sheegaya in duqeynta lagu dilay horjoogeyaal muhiim u ahaa khawaarijta oo mid ka mid ah lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

Sidoo kale, waxaa halkaas lagu gubay saddex gaari oo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen dhibaateeynta shacabka Soomaaliyeed.