Duufaanno ku dhuftay gobolo badan oo ka tirsan Mareykanka

17 March, 2025

Maamulka ayaa ka digay in cimilo aad u daran ay ku soo wajahan tahay Xeebta Bari ee Mareykanka gelinka dambe ee Axadda, iyadoo dhowr gobol ay ku jiraan digniinta duufaanno.

Duufaanno dhowr ah ayaa ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah koonfurta iyo bartamaha-galbeed ee Mareykanka, ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhimashada ayaa intaas kasii badan karta marka uu qabowgu gaaro dhanka Xeebta Bari, taasoo keenaysa dabaylo daran.

Digniinta dabeylaha Tornado ayaa ka jirta qaybo kamid ah gobolada Florida, Georgia iyo shan gobol oo kale ilaa galabnimadii Axadda. Dadka deggan meelaha khatarta soo wajahday ayaa lagula taliyay inay gabaad ka dhigtaan dhismayaal leh gabaadka dhulka hoostiisa ah.

Ugu yaraan 150,000 qoys ayaa koronto la’aan ahaa Axadii, sida uu sheegay website-ka PowerOutage.