Duulimaadka Gudaha ee dalka oo bilaabanaya maalinta Arbacada

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa shaacisey in la furaayo duulimaadkii gudaha. Wasaaradda Duulista…

1 June, 2020

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa shaacisey in la furaayo duulimaadkii gudaha.

Wasaaradda Duulista ayaa samaysey shuruuc cusub oo la raacayo kaas oo lagu xakameynaayo cudurka COVID-19 shuruucdaas oo la doonaayo in shirkadaha duulista iyo dadka rakaabkan ahba ay u hoggaansamaan.

Wasaaraddu wax awood ah uma lahan in ay furto duulimaadka dibadda, waana mid ku xiran dalal kale iyo shirkado ajnebi ah.

Duulimaadyada ayaa la joojiyay dabayaaqadii Maarso si ay dowladdu u xakameeyso faafitaanka cudurka coronavirus, laakiin fasax gaar ah ayaa la siiyay duulimaadyada xaaladaha degdegga ah gaar ahaan kuwa sida daawada iyo cuntada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *