Duulimaadyada Muqdisho oo hakad geli doona maalinta doorashada.

22 December, 2025

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde laga joojiyey shaqadii duulimaadyada maalinta Khamiista ah, sida…

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde laga joojiyey shaqadii duulimaadyada maalinta Khamiista ah, sida ay shaacisay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA), iyadoo xayiraaddan ay ku beegan tahay 25-ka Diseembar 2025, sababo la xiriira qabsoomidda doorashooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Hay’addu waxay war-saxaafadeed ku wargelisay shacabka Soomaaliyeed, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka in inta uu xirnaanshiyahaasi socdo aysan jiri doonin wax duulimaad ah oo ka degaya ama ka duulaya garoonka, isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo go’aankan ku-meelgaarka ah.

SCAA ayaa sheegtay in go’aankan uu qeyb ka yahay tallaabooyinka amni iyo diyaargarowga farsamo ee la xiriira doorashooyinka, si loo xaqiijiyo badbaadada guud iyo in howlaha doorashada ay si habsami leh u qabsoomaan iyada oo aan wax khatar ah jirin.

Ugu dambeyn, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlaha caadiga ah ee garoonka dib loo bilaabi doono marka la qaado xayiraadda, waxayna kula talisay rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha in ay dib u eegaan jadwalka safarradooda, isla markaana ay la socdaan wararka rasmiga ah ee hay’adda si ay u helaan tilmaamo dheeri ah haddii ay wax cusub soo kordhaan.