Qaar kamid ah ehelada Abwaan Maxamed Xirsi Guuleed (Jiheeye), oo maalintii saddexaad ku xiran Magaalada Hargaysa…

Qaar kamid ah ehelada Abwaan Maxamed Xirsi Guuleed (Jiheeye), oo maalintii saddexaad ku xiran Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ka dalbaday Madaxweyne Muuse Biixi inuu jawaab ka bixiyo xarigga Abwaanka iyo cabashada uu ka muujiyey dhulkiisa.
Hooyadashay Abwaan Jiheey, xaaskiisa iyo qaar kamid ah eheladiisa kale, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa sheegay inuu ku xiran yahay sifo sharci darro ah xilli ay horay Madaxtooyada Somaliland uga garaabi waysay guri uu lahaa muddo ka badan 35 sano oo laga burburiyey.
Waxa ay dalbadeen in Abwaanku caddaalad helo isla markaana loo soo celiyo hantidiisii Magaalada Hargaysa, uusanna xaq u lahayn inuu xabsi ku mutaysto maanso guhaan ah oo uu dhawaan u tiriyey Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).




