Ehelka AUN Weriye Jamal Farax Aadan oo codsaday in la qisaaso xukumane Sayloor.

30 June, 2025

Cabdiqani oo uu dhalay AUN ruug-caddaa Saxaafadeed Jamaal Faarax Aadan ayaa si adag uga hadlay iskudayo…

Cabdiqani oo uu dhalay AUN ruug-caddaa Saxaafadeed Jamaal Faarax Aadan ayaa si adag uga hadlay iskudayo ay wadaan qaar kamid ah ehelkiisu oo ay ku doonayaan inay mag uga qaataan mid kamid dadkii ka dambeeyey dilka aabihiisa.

Cabdiqani Jamaal Faarax Aadan ayaa ugu horrayn dowladda Puntland uga mahadceliyey inay xukun qisaas ah ku fulisay dhammaan raggii ka dambeeyey dilka aabihiis marka laga reebo Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor) oo xilligii fulinta baxsad ahaa haseyeeshee xilligaan gacanta lagu soo dhigay.

Waxa uu sheegay inay jiraan qaar kamid ah ehelkiisa uu ehelada Cabdiqani Saleebaan Jaamac (Sayloor), kala xaajoonaya qaadashada mag ama diyo, haseyeeshee uusan aqbali doonin uuna dowladda ka sugayo in xukumana haray qisaas lagu fuliyo, isagoo sheegay in ciddii mag qaadata uu iyaga u qisaasan doono aabihiis.

AUN Weriye Jamaal Faarax Aadan ayaa March 2021 kooxo hubaysan oo katirsan Alshabaab ku dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa bartamaha Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.