Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in xoogag uusan magacaabin ay isku dayayaan inay khalkhal geliyaan Suuriya iyagoo hurinaya colaado diimeed iyo kuwo qowmiyadeed, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Turkiga uusan ogolaan doonin in gobolka la kala qeybiyo ama xuduudihiisa dib loo sameeyo.

Khudbad uu Erdogan jeediyay shalay, Isniintii, intii lagu jiray casho quraac ah oo uu kula yeeshay safiirrada ajnabiga ah xarunta xisbiga caddaaladda iyo horumarinta ee caasimadda, Ankara, wuxuu ku nuuxnuuxsaday “baahida loo qabo kuwa doonaya inay ka faa’iidaystaan xasilloonida Suuriya iyagoo kicinaya qowmiyadaha iyo diinta si ay u ogaadaan inaysan gaari doonin hadafkooda.”
Waxa uu intaasi ku daray “Ma ogolaanayno in gobolkeena dib u qaabayn lagu sameeyo oo lagu qaybsado khariidado cusub, sidii dhacday qarni ka hor”.
Waxa uu tilmaamay in weji cusub uu ka bilaabmay dalka Suuriya oo xukunka lagaga tuuray taliska Asad December 8,2024,iyaga oo tixgalinaya in hamigooda ugu wayn uu yahay in ay dhistaan dalka Suuriya oo ay ka gaadhaan midnimadeeda dhuleed iyo mid siyaasadeed,wada noolaanshaha qoomiyadaha iyo firqooyinka kala duwan ee is garabsanaya iyo in ay noqoto mid kalsooni iyo xasilooni u horseeda dhamaan dalalka dariska ah.
Horseed Media