Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan dalalka uu Turkigu…

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay siyaasadda dalkiisa ee ku wajahan dalalka uu Turkigu booqdo, isagoo sheegay in Ankara aysan lahayn ujeeddooyin qarsoon ama ajande gaar ah oo ay ka leedahay dalalka ay xiriirka la sameyso.
Erdogan ayaa tilmaamay in Turkigu uusan dalalka uu booqdo u wadin dhibaato, balse uu doonayo in uu ka shaqeeyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka, isagoo xusay in eedaha la xiriira in Turkiga dalalkaasi ka leeyahay dano qarsoon ay yihiin kuwa waxkama jiraan ah.
Madaxweynaha Turkiga ayaa tusaale u soo qaatay dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Ciraaq, Lubnaan iyo Falastiin, isagoo sidoo kale xusay Geeska Afrika, isagoo sheegay in Turkigu uu doonayo in uu xoojiyo xiriirrada iyo iskaashiga uu la leeyahay dalalka iyo bulshooyinka ku nool goobahaasi, iyadoo mudnaanta la siinayo nabadda iyo horumarka.
Ugu dambayntiina, Madaxweynaha Turkiga ayaa ku doodey in xiriirka Turkiga iyo dalal badan uu leeyahay xididdo taariikhi ah, taasina ay keentay in bulshooyinka qaar loo arko kuwo walaalo ah, ayna xukuumaddiisu doonayso inay xoojiso walaaltinimadaas, iyadoo adeegsanaysa iskaashi siyaasadeed, dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo horseeda nabad iyo horumar.




