Erdoğan oo ka hadlay aqoonsigii Israel siisay maamulka Somaliland.

18 February, 2026

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan si adag uga hadlay aqoonsigii uu maamulka Israel siiyey maamulka Somaliland ee…

Madaxweynaha Recep Tayyip Erdoğan si adag uga hadlay aqoonsigii uu maamulka Israel siiyey maamulka Somaliland ee qaybta ka ah jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in aqoonsiga ay xukuumadda Yuhuuddu siisay Somaliland uusan wax faa’iido ah u lahayn Somalia iyo guud ahaan Geeska Afrika aysanna dowladdiisu taageeri doonin.

Madaxweynaha Turkiga oo ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa ugu baaqay waddamada gobolka inay khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo iskaashi, iyaga oo ka fogaanaya faragelin shisheeye.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalkiisa ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, uuna sii wadi doono taageerada xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.