Erdogan oo la kulmey hoggaamiyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya

11 December, 2024

Ankara ayaa marti galisay shir xasaasi ah oo lagu xalinayo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan Heshiiska is-fahamka ee Somaliland.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa si gooni gooni ah ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, wuxuuna dadaal xooggan u galay sidii uu wadahadal u dhexmari lahaa dhinacyada.

Shirkan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, ayaa lagaga wada hadlay xaaladda Somaliland iyo khilaafkii ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Gobolka. Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysey inay faragelin ku hayo madax-banaanida Qaranka Soomaaliyeed.

Turkiye oo xiriir adag la leh labada dal, waxa uu qaatay doorka dhex dhexaadinta ee loogu magac daray “Habraaca Ankara” kadib markii ay Itoobiya codsatay. Sidan oo kale, wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa horay kulamo gooni gooni ah ula yeeshay Soomaaliya iyo Itoobiya. Shir madaxeedka maanta waa xiriirkii ugu horeeyay ee heer hogaamineed.

Sida ay qoreen warbaahinta Turkiga iyaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo ku dhaw madaxtooyada,Edogan waxa uu ku baaqay in xal waara lagu gaaro wadahadal iyo diblumaasiyad. Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in la qaado tillaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo tabashooyinka labada dhinac iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

In kasta oo aan war-murtiyeed wadajir ah laga soo saarin shir-madaxeedka ka dib, haddana warbaahinta Turkiga oo soo xiganaysa ilo-wareedyo dublamaasiyadeed ayaa warineysa in wada-hadalladaas ay ahaayeen kuwo wanaagsan, isla markaana ay dhinacyadu ku kalsoon yihiin doorka dhexdhexaadinta ee Turkigu ka qaadanayo xal-raadinta.

Waxaa la sheegay in geeddi-socodka Ankara uu sii socon doono, isla markaana la qorsheynayo kulamo cusub oo heer farsamo ah maalmaha soo socda. In qadiyada heshiiska is-fahamka ee Somaliland xal waara loo helo ayaa muhiimad wayn u leh xasiloonida iyo nabadgelyada gobolka ayey qoreen qaar kamid ah warbaahinta ku dhaw Dowladda Turkiye.

HORSEED MEDIA