Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis wada gaarey, Erdogan oo dhexdhexaadiyey

12 December, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey u sheegay in aanu miis la fariisaneyn Itoobiya ilaa ay raali-gelin ka bixiso heshiiskii is-fahamka ee Badda ee Somaliland

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta madaxtooyada Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Shirkan wada jirka ah ayaa yimid kadib markii Arbacadii kulan gooni-gooni ah uu la qaatey labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweyne Erdogaan ayaa yiri “Natiijada kalsoonida Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku qabaan dalkeena (Turkiga), waxaan gaarnay heer muhiim ah, gaar ahaan geeddi-socodkii Ankara ee aan bilownay 8 bilood ka hor, waxaan qaadnay tallaabo cusub oo ku saleysan nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Itoobiya”.

“Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaa walaalahayga qaaliga ah sida ay isu tanaasulka taariikhiga ah ee naf hurnimada leh u gaareen, waxaana uga mahadcelinayaa hab-dhaqankooda wax ku oolka ah, ayuu yiri Erdogan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweyne Erdogan waxa uu yiri “Waxaan aaminsanahay in ku dhawaaqista wadajirka ah ee aan hadda ku heshiinay ay abuuri doonto aasaas adag oo iskaashi, horumar dhaqaale iyo barwaaqo oo ku saleysan is-ixtiraamka labada dhinac muddada soo socota.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Mudane Madaxweyne Edogan waan kaaga mahadcelinayaa dadaalka aad galisay, tani waxay soo afjareysaa khilaafkii naga dhaxeeyay annaga iyo Itoobiya waa labo dal oo dano gaar ah leh, waan uga mahadcelineynaa dadaalka Turkiga Soomaaliya waa saaxiibka dhabta ah ee Itoobiya mustaqbalka “Nabadda iyo xasilloonida ayaa ah mudnaanta koowaad ee annaga iyo dadkayaga. Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada saaxiibtinimada dalkiisa iyo Itoobiya.

Sidoo kale Xassan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Itoobiya iyo Soomaaliya wax badan ayaa ka dhaxeeya, waxa aan isku khilaafsanahay waa xaddidan yahay, qodobbada aan wadaagno waa mid aad u badan, waan ku dadaali doonnaa, wax kasta oo aan awoodnona waan sameyn doonnaa, gobolkayagu wuxuu u baahan yahay iskaashi, Geeska Afrika waa gobol xasaasi ah. Waxaan haysanaa fursado badan oo barwaaqo ah, taasna waxaan ku gaari doonaa si wadajir ah. ayuu yiri”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo isna ka qeyb galay shir madaxeedka ayaa yiri “Waxaan marka hore u mahadcelinayaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo shacabka Soomaaliyeed. Sidan oo kale, waxaynu nahay laba dal oo qarniyo badan soo taxnaa, ma nihin wadamo deris ah, waxaa naga dhexeeya af iyo dhaqan, Aniga iyo dawladdayda wax badan ayaa naga soo gaaray xasillooni-darrada ka jirta gobolka Geeska Afrika, waxaan u baahanahay horumar labada dhinac ah. Nabadda iyo korriinka ayaa inoo wada ah.

Abiy Ahmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Itoobiya waxay doonaysaa inay si nabad ah oo la isku halleyn karo ay u ku gasho badda oo hesho marin biyood. Tani waxay sidoo kale faa’iido u yeelan doontaa dhammaan deriskayaga. kobaca dhaqaalaheena, , horumarkeena wanaagsanina waxa uu anfici doonaa guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Qodobada ugu muhiimsan ee ku dhawaaqista Ankara waxaa ka mid ah:

  1. Labada waddan waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay midba midka kale ilaalinta madax-bannaanidiisa, midnimadiisa, iyo wadajirkiisa dhuleed, iyaga oo la jaan qaadaya sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Midowga Afrika.
  2. Soomaaliya waxa ay xaqiijisey baahida Itoobiya u qabto marin la isku halayn karo oo badda ah, iyada oo ogolaatay in laga shaqeeyo qorshayaal ganacsi oo laba geesood ah oo Itoobiya u sahlaya marin badeed sugan iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanida Soomaaliya.
  3. Waddamadu waxay ballan qaadeen:
    • Bilaabida wada xaajoodyo farsamo dhamaadka Febraayo 2025
    • Dhamaystirka iyo saxeexa heshiisyo dhammaystiran afar bilood gudahood
  4. Soomaaliya waxay si cad u aqoonsatay naf-hurnimada askarta Itoobiya ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika, taasoo ah tilmaan muhiim ah oo labada dhinacba

HORSEED MEDIA