Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu si shaqsi ah…

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu si shaqsi ah ugu ballanqaaday in Turkiga laga iibin doono shan diyaaradood oo dagaal oo nooca Lockheed Martin F-35 Lightning II ah.
Erdogan ayaa sheegay in Trump uu yahay hoggaamiye oofiya ballanqaadyadiisa, isagoo xusay inay sugayaan hirgelinta heshiiska haddii uu qabsoomo.
Hadalka Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu Trump ugu baaqay inaan Turkiga laga iibin diyaaradaha F-35, isagoo ku dooday in tallaabadaasi ay wax u dhimi karto isu dheelitirka awoodda militari ee Bariga Dhexe.
Mareykanka ayaa sanadkii 2020 Turkiga ka saaray barnaamijka F-35, kadib markii Ankara ay soo iibsatay nidaamka difaaca cirka ee Ruushka ee S-400 Triumph. Washington ayaa markaas sheegtay in nidaamka S-400 uu khatar ku yahay amniga iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee diyaaradaha F-35.



