Erdogan oo sheegay inaysan cidna reer Falastiin ka rari karin dhulkooda.

10 February, 2025

Erdogan ayaa si cad ugu sheegay Maraykanka inaysan cidna awoodin inay shacabka Falastiin ka rarto dhulkooda.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in aysan jirin quwad xilligaan shacabka Falastiin ka saari karta gurigooda gaar ahaan Marinka Gaza, Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Qudus al-Qudus, sida uu hadalka u dhigay.

Xilli uu ka hadlayey shir jaraa’id oo uu qabtay habeenimadii Axadda, Erdogan ayaa ku gacan seyray qorshaha Donald Trump uu ku doonayo in meesha looga saaro dadka reer Qaza, isla markaana qaxooti ahaan loogu raro qaar kamid ah dalalka Carabta.

“Ma jirto cid awood u leh inay dadka Gaza ka saarto dalkooda daa’imka ah ee soo jiray kumannaan sano,” ayuu yiri Erdogan oo saxaafadda kula hadlay Istanbul ka hor inta uusan u duulin Malaysia.”Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxaa iska leh Falastiin,” Recep Tayyip Erdogan

Erdogan ayaa guud ahaanba ku gacan sayray qorshaha Maraykanka oo la wareegidda dhulka reer Falastiin.