Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay jiraan dad doonaya inay colaad diimeed ka huriyaan dalka Suuriya, xilli gobolka uu ku jiro marxalado adag.

Waxa uu intaa ku daray, mar uu khudbad ka jeedinayay Baarlamaanka Turkiga Arbacadii, in ay jiraan kuwa isku dayaya in ay ka faa’iideystaan waxa ku dhacaya haraadiga Nidaamka Suuriya, iyaga oo ujeedkoodu yahay in ay waxyeeleeyaan dareenka walaaltinimo iyo xasilloonida Turkiga.
Waxaa xusid mudan in kadib markii xukunka laga tuuray taliska Asad December 8, 2024, maamulka cusub ee Suuriya ay bilaabeen hindise ay ku joogtaynayaan xaaladda ciidamada iyo laamaha amniga ee taliskii hore, iyagoo shuruud ku xiray in ay hubka soo dhiibaan.
Tobanaan kun oo qof ayaa ka jawaabay hindisahan, halka qaar ka mid ah kooxaha hubaysan ee hadhaagii nidaamka ay diideen, gaar ahaan saraakiil sarsare oo ka tirsan taliska Asad.
Muddo ka dib, kooxahani waxay door bideen inay u cararaan dhulka buuraleyda ah, waxayna bilaabeen inay abuuraan toddobaadyadii la soo dhaafay xiisad, xasilooni darro, iyo weeraro goos goos ah oo ay ku qaadaan ciidamada dowladda, iyadoo ay ku dhinteen boqolaal qof oo labada dhinac ah.
Wasaaradda difaaca ee Suuriya ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadeedu ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaannada xeebta ku yaalla ee ay ka dhaceen weerarada, waxayna qaadeen hawlgallo adag oo ay ku burburiyeen cududda haraadiga rajiimkii la tuuray.
Horseed Media