Hadalka Dmitriev ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay booqasho ku tagay magaalada Washinton isaga oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha, socdaalkiisa ayaa ujeedkiisu ahaa isu soo dhawaanshaha Ruushka iyo Maraykanka iyo sidii loo xalin lahaa colaadda Ukraine.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ruushka ayaa shalay sheegay in horumaro la taaban karo laga gaaray dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, isagoo carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo maamulkiisa ay sameeyeen hoos u dhacii ugu horreeyay ee abid.
CNN oo soo xiganeysa madaxa Sanduuqa Maalgashiga Ruushka, Kirill Dmitriev, ayaa sheegay inuu jiro isfaham ku saabsan sidii loo dhameystiri lahaa heshiiska lagu soo afjarayo khilaafka, isla markaana ay suurtagal tahay dhammaan xalalka diblomaasiyadeed. Waxa uu ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalka “sababtoo ah muddo dheer lama isku dayin in la fahmo mowqifka Ruushka.”
Dhanka qaadista cunaqabateynta reer galbeedka, Dmitriev wuxuu sheegay in wadankiisu uusan codsaneynin in laga qaado cunaqabateyntan, isagoo carabka ku adkeeyay in dhaqaalaha Ruushka uu gaaray waxqabad wanaagsan, haddii Washington ay rabto inay kordhiso ganacsiga Ruushka, markaas ay fududeyn karto cunaqabateynta.
Mas’uulkan u hadlay Ruushka waxa uu sheegay in 150 shirkadood oo Maraykan ah ay weli ka hawlgalaan dalka Ruushka, kuwaas oo 70% ka shaqaynayeen muddo 25 sannadood ah, waxaanu intaa ku daray in qaar ka mid ah shirkadaha Maraykanka ahi ay doonayaan inay dib ugu laabtaan dalka Ruushka, taasina ay tahay tallaabo wanaagsan oo uu Maraykanku qaaday.
Hadalka Dmitriev ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay booqasho ku tagay magaalada Washinton isaga oo ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha, socdaalkiisa ayaa ujeedkiisu ahaa isu soo dhawaanshaha Ruushka iyo Maraykanka iyo sidii loo xalin lahaa colaadda Ukraine.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay maalin ka dib markii uu dhaqan galay cashuuraha kastamka ee uu maamulka Maraykanku ku soo rogay dalal badan oo aanu ku jirin Ruushka oo horey uu cunaqabatayn Maraykanku saaray tan iyo markii uu weeraray Ukraine.
Horseed Media