Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ayaa siyaasiyiin hore oo Kenyaati ah ka codsadey in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo…
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ayaa siyaasiyiin hore oo Kenyaati ah ka codsadey in ay dhex-dhexaadiyaan isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo isniin ah Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS, ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada dowladda Jubaland.
Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.
Waxay noqoneysaa arrin wejigabax ah haddii Madaxweyne Xasan Sheekh oo horey ugu ololeeyey Soomaali heshiis ah dunidana heshiis ah uu ka codsadey dowaldda Kenya in ay dhex-dhexaadiso isaga iyo Axmed Madoobe.
Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxay Jubaland oo aan ka ahayn in ay qaabileen wefdiga. Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu qabsado doorasho la aaminsan yahay in isagu ku soo bixi doono, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonaayo in dib loo dhigo doorashada.
Horseed Media