Ergooyin ku qulqulaya goobta shir-weynaha dhismaha maamulka KHATUMO.

13 July, 2025

Boqolaal kamid ah ergooyinka ka qaybgelay shir-weynaha dhammaystirka dhismaha maamulka KHATUMO ayaa gaarey goobta loo asteeyey…

Xaaladda Laascaanood oo degan kadib markii ay Ciidanka Somaliland ka baxeen magaalada

Boqolaal kamid ah ergooyinka ka qaybgelay shir-weynaha dhammaystirka dhismaha maamulka KHATUMO ayaa gaarey goobta loo asteeyey inuu ka qabsoomo shirka oo horay 3 jeer u soo baaqday.

Ergooyinka goobta ku sugan ayaa ka kala socda DFS, hoggaanka maamulka KHATUMO, Isimada dhaqanka gobolada Sool iyo Cayn iyo ergooyin ka kala yimid qaybo kamid ah gobolada kale ee Somalia.

Hoggaamiyaha maamulka KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa shirka ka jeedin doona khudbad 25 daqiiqo ah oo uu kaga hadlayo waxqabadkiisii, qorshaha maamulka cusub ee maamulkiisa iyo arrimo kale.

Xubno katirsan guddiga qaban qaabada shirka ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay noqon doonto khudbad jeedin iyo isbarasho maalinimada berri ahna la guda gelidoono dhismaha maamulka iyo waxqaybsiga beelaha kala duwan ee ka soo qayb galay.