Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa weli ka socda shirka dhammaystirka dhismaha maamulka KHATUMO oo…

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa weli ka socda shirka dhammaystirka dhismaha maamulka KHATUMO oo ay garwadeen ka tahay Dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Ergooyinka ka socda beelaha kala duwan ee ku sugan Laascaanood ayaa muddo saddex cisho ah doodo ka leh caasimadda, tirada xildhibaanada, calanka, xuduudaha iyo qodobo kale.
Inta badan qodobada laga doodayo ayaa horay loo soo diyaariyey waxaana guddiyada farsamadu la wadaagayaan ergooyinka qodobada la doonayo inay u kala codeeyaan, si shirka xilli hore loo dhammaystiro.
Saraakiil katirsan maamulka KHATUMO ayaa HM u sheegay in waqtigu kooban yahay isla markaana ay DFS doonayso in shirku xilli hore soo dhammaado, si loo guda galo arrimaha kale ee maamulkaasi horyaalla.



