Faafaahin: DFS oo xalisay cabashada shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo saacado u xirnaa.

11 November, 2025

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xallisay cabasho shaqo…

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xallisay cabasho shaqo oo ay sameeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiirka wasaaradda, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa gaaray garoonka si uu uga qeyb galo kulanka lagu dejinayay shaqaalaha, kaas oo lagu soo afjaray gadoodkii sababay in saacado kooban ay hakad galaan howlaha duulimaadyada.

Shaqaalaha garoonka Aadan Cadde ayaa maanta sameeyay shaqo joojin ay ku muujiyeen cabasho ku saabsan mushahar la’aan iyo shaqo-cayrin lagu sameeyay qaar ka mid ah asxaabtooda. Gadoodkan ayaa si gaar ah uga dhashay go’aanka shirkadda Favori ee gacanta ku haysa maamulka garoonka, taas oo shaqada ka eriday 15 shaqaale oo aan la siin ogeysiis hore.

Muddaharaadka shaqaalaha ayaa si weyn u saameeyay howlaha garoonka, iyadoo duulimaadyo dibadda iyo gudaha ah ay dib u dhaceen. Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay shaqaale xiran dharka shirkadda Favori oo diiday in ay shaqeeyaan, taas oo dhalisay in maamulka garoonku uu xaaladda si degdeg ah ula wadaago wasaaradda duulista.

Intii uu kulanka xalinta socday, Wasiirka iyo mas’uuliyiin kale oo wasaaradda ah ayaa si taxaddar leh u dhageystay cabashooyinka shaqaalaha, waxaana lagu heshiiyay in shirkadda Favori lagu amro inay dib u eegto arrimaha shaqaalaha, isla markaana aysan mar dambe dhicin dhacdooyin noocan oo kale ah. Wasiirka ayaa sidoo kale ku adkeeyay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha iyo habsami u socodka duulimaadyada dalka.

Ugu dambeyn, Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa u mahadceliyay shaqaalaha garoonka sabarkooda iyo wadashaqeyntooda, isagoo ku boorriyay inay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda. Wuxuu caddeeyay in wasaaraddu ay si joogto ah ula socon doonto xaaladaha shaqaalaha garoomada, si loo hubiyo in aysan soo laaban muranno hor istaaga howlaha duulista dalka.