Faafaahin: Guulaha ay ka gaareen Ciidamada Puntland Dagaalkii Maanta Calmiskaad

13 October, 2025

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa aroornimadii saaka bilaabay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceelka Il-Abal,…

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa aroornimadii saaka bilaabay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceelka Il-Abal, halkaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda argagixisada Daacish. Taliska howlgalka ciribtirka argagixisada Puntland ayaa sheegay in ciidamada ay dileen xubno muhiim ah oo ka tirsan kooxda, halka qaar kalena lagu raadjoogo meelaha ay u carareen.

War-saxaafadeedka ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka ay si guul leh u jebiyeen firxadka argagixisada, isla markaana ay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga deegaanka. “Allaahu Akbar, ciidamadeennu waxay ku jebiyeen firxadka argagixisada Daacish, howlgalka maanta ee ka dhacay Il-Abal waa mid guul leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in mid kamid ah dagaalyahanadii Daacish uu si toos ah gacanta ugu dhacay ciidamada Puntland, iyadoo laba kale oo la socday hadda lagu daba jiro. Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ninkan la qabtay uu bixiyay xog muhiim ah oo ku saabsan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kale ee kooxda.

Taliska howlgalka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo balaaran oo looga sifeynayo kooxaha argagixisada deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, gaar ahaan buuraha iyo dhulka hawdka ah ee gobolka Bari. Taliska ayaa tilmaamay in howlgalku marayo meel wanaagsan isla markaana ay jiraan xubno Daacish ah oo isa soo dhiibaya.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay ku jiray dagaal joogto ah oo ay kula jiraan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee ku sugan gobollada bari ee Puntland, waxaana howlgallada noocan oo kale ah lagu sheegay kuwo muhiim u ah xaqiijinta nabadgelyada iyo sugidda xasiloonida guud ee gobolka.