Faahfaahin ku saabsan laba ruux oo lagu diley degmada Galkacyo.

8 June, 2025

Dabley hubaysan ayaa fiidkii hore ee habeenimadii xalay laba ruux ku diley afaafta hore ee goob…

Dabley hubaysan ayaa fiidkii hore ee habeenimadii xalay laba ruux ku diley afaafta hore ee goob dalxiis oo ku taalla duleedka Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kooxdaan hubaysan ayaa weerar dhabbo gal ah ku diley AUN Marxuum Siciid Guure Cali oo watay baabuur Dhaweeye ah ayaa murxuumad Canab Burhaan Maxamed Cabdi oo uu ka soo qaaday beer dalxiis oo ku taalla duleedka Galkacyo.

Laamaha ammaanka gobolka Mudug oo aan xiriir la samaynay ayaa xaqiijiyey inay goobta ka baxsadeen raggii dilka geystey isla markaana ay wadaan baaritaano lagu raadinayo.

Shacabka magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe ka nastay dilalkii falalka argagixiso la xiriirey, waxaase bedelkeeda sii kordhayey dilalka la xiriira aanooyinka qabaa’ilada.