Faahfaahinta dagaal Walisoor ku dhexmaray ciidanka Puntland iyo Daacish.

2 July, 2025

Taliska hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee Hillaac ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanka…

Taliska hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee Hillaac ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanka difaaca dowladda Puntland ka fuliyeen deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad.

Afhayeenka hawlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalo goos goos ah oo shalay ka dhacay deegaanka Walisoor lagu diley malayshiyaad katirsan Kooxda Daacish.

Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa sheegay in nabaddiidka Daacish aysan hadda lahayn awood ay ugu babac-dhigaan ciidanka difaaca dowladda Puntland haseyeeshee ay kujiraan dhuumaalaysi lana soo afjari doono, sida uu hadalka u dhigay.

“ISIS waxay waayadaan bilaabeen inay galaan godadka si ay uga nabadgalaan ciidanka dhulka iyo diyaaradaha dagaalka ee cirka ka beegsanaya iyagoo doonaya inay ka nabad galaan ciidanka difaaca dowladda Puntland maadaama aysan iska celin karin, ciidanka oo ku taagan raadkooda ayaa ku helay deegaanka Walisoor ee aagga Camayra, dagaal ayaa ka dhacay rag badan ayaana looga laayey goobtaasi”, Ayuu yiri Gen. Faadhigo.