Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland oo ku guda jira wajiga labaad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa weerar ku qaaday bartamaha Tog-jeceel oo ay saldhigyo ku lahaayeen argagixisada Daacish.

Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ayaa shaaciyay in la jabiyay maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo isku dayay in ay is difaacaan, iyadoo in ka badan 20 Ajaaniib ah ku dilay Buuraleyda Calmiskaad.
Kooxda Argagixisada Daacish ayaa jid kasta maanta u qaaday, wado kastana u galay sidii ay ciidanka difaaca Puntland uga joojin lahaayeen Togga Jeceel, balse waa laga hortagay isku dayadoodii bahalnimo, iyadoo meydadkooda ay waran yihiin aagagii dagaalka.
Ciidanka difaaca Puntland ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deegaanka Dharin ee togga Jeceel, dagaal culus oo in ka badan 9 saacadood ka socday deegaannada ku teedsan togga Jeceel oo ay si xooggan ugu dagaallameen kooxda Daacish, ka hor inta aan ciidamadu cagta marin kooxdaasi.
